Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay Nin dil geystay

Ciidamada Booliska Somaliland ee ka howlgalla Magaalada Burca ayaa howlgal ay sameeyeen ay suurtogashay inay gacanta ku dhigaan Nin Oday ah oo Nin kale ku dilay Bartmaha Suuqa magaalada Burco.
Ninka dilka geystay oo Magaciisa lagu sheegay Mustafe Axmed Cali ayaa Booliska Gobolka Togdheer sheegeen in dhowr xabadood oo bustoolad ah uu ku dhuftay Nin lagu magacaabi jiray Cumar Cabdi Faarax.

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland ee Gobolka Togdheer Maxamed Faarax Nuur ayaa Warbaahinta u sheegay in ninka Odayga ah ee dilka geystay oo isku dayayay in uu baxsado ay Ciidamada Ammaanka qabteen.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Ciidamada Booliska ay Ninkasi ku wareejiyeen Maxkamadda Gobolka Togdheer si cadaaladda loo marsiiyo, isaga oo sheegay in maranaba aysan aqbali doonin falalka amni darro ee ka dhacay Magaalada Burco.
Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka dhacay dilal kala duwan, waxaana Ciidamada Booliska ay sheegeen inay kordhinayaan howlgallada si ay uga hortagaan falalka amni darro.