Taliska Ciidanka booliska oo baaraya Dilka 3 Haween oo ka dhcay Deyniile

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno la xiriira cidda ka dambeysay dilka Saddex Haween ah oo Saakay Subaxii   meydkooda laga helay Degmada Deyniile ee Gobolka .

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in Haweenkani oo laba ka mid ahi ay xaamilo ahaayeen la dilay xilli ay kusii jeedeen goobtooda shaqo, iyadoo la rumeysan yahay in ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.

Alshabaab ayaa muddooyinkii dambe dilal iyo qaraxyo ka waday Magaalada muqdisho oo ay la beegsanayeen shaqaalaha dawlada iyo Dadka kale ee shacabka ah ee la shaqeeya dawlada federaalka Soomaaliya .

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com