Booliska Soomaaliya oo toogtay Nin ay sheegeen in uu geysan rabay weerar

Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in Isgoyska Ex Control Balcad ee Magaalada Muqdisho ay ku toogteen Nin ku hubeysanaa Qori Ak-47, kaasi oo isku dayay in uu carqaladeeyo dhismaha waddada xariirisa Muqdisho iyo Balcad ee Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe.
Ninkaan ayaa saraakiil ka tirsan laamaha amniga ay sheegeen in uu ka tirsanaa Al-Shabaab, isla maraana uu doonayay in uu weeraro Ciidamada ilaalada ka haya dhismaha wadada, balse ay ka hortageen.

“ Ciidanka oo ka feejignaa Dhagarta cadowga mar walba soo maleego ayaa ka hortagay ninkaan, isla markaana toogasho ku dilay ayaa lagu yiri” war kasoo baxay Booliska Gobolka Banaadir.
Sidoo kale Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ninkaan ay ka qaadeen boorso uu watay , taasi oo la tuhunsan yahay in ay ku jiraan walxaha qarxa, isla markaana ay hadda boorasadaan baaris ku hayaan.
Dhimsaha wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho & degmada Balcad ayaa haatan si caadi ah u socda, waxaana jirin weeraro badan oo ka dhacay si lamid ah weeraradii xooganaa ee ka dhacay dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho & Afgooye.