Gaadiidka ka shaqeeya Muqdisho iyo Sh/dhexe oo shaqo joojin sameeyay

Wadayaasha Gaadiidla ka dhex shaqeeya magaalooyinka Muqdisho Balcad iyo Jowhar ayaa shaqo joojin sameeyay kadib markii lacag ka badan canshuurta ay bixiyaan uu kusoo kordhiyay Maamulka HirShabeelle.

Gaadiid faro badan oo ay la socdaan rakaab badan ayaa ku xayiran magaalada Balcad kadib markii ciidamo taraafiko ah la soo dhigey koontaroolka degmada Balcad.

Wadayaasha gaadiidka ayaa ka dhigey banaanbax gudaha magaalada Balcad waxaana ay ka cabanayaan lacagaha uu maamulka Hirshabelle ku soo kordhiyay ee ah lacag ay qaadanayaan taraafikada.

Gaadiidkaka howlgala magaalada Jowhar iyo magaalada Muqdisho ayaa waxa ay bixiyaan lacago canshuur ah oo maamulka Hirshabelle uu ka qaado,sidoo kale waxaa lacag ka qaada gaadiidka ururka Alshababa oo saldhigyo ku leh deegaano ka tirsan degmada Balcad

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com