Ra’iisal Wasaare Rooble oo Magacaabay Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo iyo Gudiga Xalinta Khilaafaadka: Akhriso Magacyada Gudiga

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa magacaabay Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka 2020/2021.

Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa lagu magacaabay Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, oo ka kooban 25 xubnood iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka 2020/2021, oo ka kooban 21xubnood.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Guddiyada uu magacaabay faray in ay si hufnaan iyo caddaalad ku jirto u gutaan waajibaadka Shaqo ee loo xil-saaray, taas oo ku qeexan Heshiiskii Habraaca Doorashooyinka ee ay Muqdisho ku gaareen Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada dalka.

Halkaan ka Akhriso Magacyada Gudiyada Doorashooyinka Heer Federaalka iyo Xalinta Khilaafaadka Islamarkaana uu magacaabay Ra’iisal  Wasaare Rooble


Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com