Mas’uul ka Tirsanaa Maamulka Puntland oo lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

Kooxo hubaysan ayaa xalay waqooyiga Gaalkacyo ku dilay marxuum Cabdinuur Maxamed Cabdulle, oo ka tirsanaa Dowladda Hoose ee Gaalkacyo.
Laamaha Amniga Puntland ee Gobolka Mudug, ayaa xaqiijiyay in koox hubaysan oo afka duubtay ay xalay toogasho ku dileen marxuumka, oo ka tirsanaa Waaxda Dhulka Dowladda Hoose ee Gaalkacyo.

Saraakiish waxay sheegeen, in Kooxdii weerarka gaysatay ay goobta isaga baxsadeen, islamarkaana aysan Ciidanka u suurta-gelin in gacanta lagu soo dhigo.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilkaasi loo gaystay marxuum Cabdinuur Maxamed Cabdulle, sida lagu qoray warbaahinta Al-shabaab.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com