Nabadoon Shabaab ka tirsanaa oo isku dhiibay Ciidamada Jubbaland.

Kismaayo, Mid ka mid ah nabadoonada ka tirsanaa Maamulka Alshabaab ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Jubbaland.

Nabadoonkan oo lagu magacaabo Ugaas Maxamed Macallin Muxumed ayaa la xaqiijiyay in uu muda dheer ka tirsanaa Alshabaab.

Saraakiil Maamulka Jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in nabadoonkan si nabad ah isku soo dhiibay.

Ma jirto wax war ah ee uu ugaaska saxaafada ka siiyay sababaha uu isugu Soo dhiibay Maamulka Jubbaland.

Xafiiska Wararka, Muqdisho.

Info@aragticusub.com