Maxkamada Ciidanka Jubland oo Xukun ku riday wiil dhalinyaro ah oo lagu Eedeeyay in u ka dambeeyay Weerarkii Hoteel Cascaseey ee Kismaayo

Maxakamadda ciidamada Qalabka Sida ee Jubbalanad ayaa xukun ku riday EEdeeysanaee Deeqow Caliyow Kuusow oo kamid ahaa Raggii ka qeyb qaatay weerarkii Hotel Madiina Ex. Cascasay  ee Kismaayo oo dhacay -kii bishii July ee sanadkii 2019.

Eedeysane Deeqow oo la sheegay inuu ka dhex-dagaalamay huteelkadhexdiisa , isagoo dhaawac ahna la qabtay, hadana ah naafo ayaa lagu riday xakun dil ah, sida uu ku dhawaaqay Bashiir Maxamuud Xareed guddoomiye ku xigeenka Maxkamdda cidamada qalabka sida ee Jubbaland.

Weerarkii sanadkii hore Al-shabaab ku qaadeen Hotel Madiina Ex. Cascasay waxaa ku dhintay 26 qof, halka ay ku dhaawacmeen 56 qof oo kale.

Dadkii weerarkaas ku dhintay waxaa kamid ahaa Hodan Naaleeye oo ahayd wariye ka faaloota Arrimaha bulshada iyo saygeedii oo horay u soo noqday wasiirka ganacsiga Jubbaland, Jaamac C/raxmaan Fariid iyo wariye Maxamed Sahal Cumar Gacma-dheere oo ka tirsanaa warbaahinta madaxa bannaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com