Xukuumadda oo dajisay qorshe lagu sugayo amniga shaqaalaha dhisaya Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye(Sawiro).

Muqdisho,Ra,isul Wasaraha Soomaaliya Hassan Ali Kheyre ayaa maanta kulan la qaaday saraakiisha ugu sareysa ciidamada kala duwan ee dowlada.

Kulankaan oo ay goob joog ka ahaayeen mas,uuliyiin ka socday dowladaha Qadar iyo Turkiga ayaa ahaa mid looga hadlayay xal u helida dhibaatooyinka amni ee ka jira wadada la dhisayo.

Kheyre ayaa laamaha amniga faray in sida ugu dhaqsiyaha badan ku xaqiijiyaan amaanka wadadda isku xirta Muqdisho iyo Afgoye.

Kulankaan maanta Ra.isul Wasaaraha la qaatay saraakiisha amniga ayaa imaanaya xili shaqaalaha ka howgalayay dhismaha muqdisho iyo afgooye isaga soo baxaeen sababo amni darteen kadib laba weerar oo khasaare xoogan lagu gaarsiiyay.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com