Kooxo hubeysan oo wiil dhalinyara ah ku dilay Muqdisho.

Muqdisho, Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa maanta wiil dhalinyara ah ku dilay Magaalada Muqdisho.

Dilkaan oo ka dhacay Degmada Howlwadaag ayaa ahaa mid kooxaha hubeysan u geysteen wiil ka shaqeysan jiray Mooto Bajaaj.

Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegay in ay doonayeen in dhac u geystaan mootada balse wiilka uu ka dhaga adeegay amarkooda.

Waxaana taasi keentay in wiilka toogtaan isla markaana ay goobta isaga baxsadeen.

Wiilka la dilay oo lagu Magacaabi jiray  Maxamed Xasan Abdi cambuulo ayaa caan  ka ahaa Xaafada MBC ee Muqdisho.

Xafiiska Wararka, Muqdisho.

Info@aragticusub.com