Maxkamadda gobolka Maroodijeex ee Somaliland oo Xukun ku riday Milkiilihii AstaanTv , Cabdimanaan Yuusuf Maxamed

Somaliland ayaa xukun ku riday mulkiilihii Astaan TV, Cabdimanaan Yuusuf Maxamed oo muddo ku xirnaa Xabsi ku yaala magaalada Hargeysa.

Maxkamadda gobolka Maroodijeex ee Somaaliland ayaa maanta Cabdimanaan Yuusuf ku riday 5 sano oo xasbi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 2 milyan oo ah shilinka Somaliland.
Sidoo kale maxkamadda ayaa go’aamisay in warbaahinta Astaan oo ah mid aan siyaasad ka hadlin laga xayiro degaannada Somaliland.
Cabdimanaan Yuusuf Maxamed ayaa magaalada Hargeysa lagu xiray 17- bishii July ee sannadkan.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com