Faah faahino ka soo baxaya Qarax xalay ka dhacay muqdisho

 

Hal Qof ayaa ku geeriyooday saddex kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax uu ka dhacay agagaarka isgoyska Taleex degmada Hodon ee gobolka Banaadir

Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday gaari uu lahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse.

Wasiir ku xigeenka wasaarada amniga Cabdinaasir Siciid ayaan saarneyn gaarigiisa xilligii uu dhacayay qaraxa hase yeeshee waxaa ku geeriyooday wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jirey Ilyaas Cabdikariin oo la sheegay in uu ka Tirsanaa shaqaalaha wasaarada cadaalada

Ciidamada Dawlada ayaa isla xalay gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay iyadoo qaraxana uu dhacay goob dad badan ay ku sugnaayeen.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com