Madaxweynaha Puntland oo magacaabay gudiga diyaarinta xaflada 1da Agoosto

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay Guddiga Qaban-qaabada iyo Diyaarinta  Xuska Kowda Agoosto, oo ku beegan Maalintii la aas’aasay Puntland 1998-dii.

Guddiga Qaban-qaabada iyo Diyaarinta Xuska Kowda Agoosto, ayaa  loo magacaabay mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiiro iyo Taliyaal Ciidan, sida ku cad Dikreetada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Guddiga la magacaabay, oo uu Guddoomiye u yahay Wasiirka Warfaafinta Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde) ,waxaa sidoo kale xubno ka ah Wasiirka Haweenka Aaamina Cismaan Xaaji Jaamac, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Maxamed Xassan Ciise, Wasiiru Dowlaha Maaliyada Maxamed Cabdulqadir Cusmaan iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha  Maxamed Musadaq Maxamed.

Sidoo kale, waxaa xubno ka ah Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Daraawiishta Gen. Yaasiin Cumar Yuusuf iyo Gen. Cabdi Xassan Xuseen Cabdi Yare iyo Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada, Cabdi weli Cali Cabdulle.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com