Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay Ujeedka Socdaalkii labaad Muddo Asbuuc uu ku tagay magaalada Jowhar.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya S Shariif Sheekh Axmed oo muddo Asbuuc dhexdiisa laba jeer Socdaal ku tegay magaalada jowhar ayaa waxaa ka hadlay u jeedka safarka uu Maanta ku tegay Magaalada Jowhar.
Shariif Sheekh Axmed oo Warfidiyeenka kula hadlay Magaalada Jowhar ayaa sheegay inay wadaan howlo dib u heshiisiin iyo nabadeyn ah oo lagu xalinayo dadka tabashada ka qaba dhismaha Hir-Shabelle.
Waxaa uu sheegay in safarkiisa ay ku wehliyaan Siyaasiyiin & Odayaal kasoo jeeda Hirshabeele , kuwaas oo doorweyn ka qaadan doono sidii si nabad ah ay ugu dhici laheyd doorashada hir-Shabeelle.
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in ay ku wanaagsan tahay khilaafka inta uu taagan yahay in la xaliyo lana dhameeyo dhammaan tabashooyinka beelaha dega Hirshabeele

Warkaan ayuu sheegay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ka dib markii markii labaad uu safar ku tagay magaalada Jowhar halkaas oo ay ka socoto doorashada Madaxtinimo ee Maamulka Hirshabeele

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com