Laamaha Amniga oo Dekadda Muqdisho ku qabtay Khamri farabadan

Ciidamada Booliska Soomaaliya ee ku sugan dekadda Muqdisho ayaa Maanta waxaa ay soo bandhigeen kunteenar ay ku rarnaayeen dhalooyin Khamri ah oo farabadan,kaas oo ay qabteen.

Taliyaha Hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise sheegay in Kunteenarkaan markii hore lagu sheegay in uu sido shixnad kale,balse baaris ay sameeyeen ciidamada amniga ay ku ogaadeen in kunteenarka ay ka buuxaan dhalooyin Khamri.

Waxaa uu sheegay in Kunteenarka laga dhex helay 500 oo Kartoon oo Dhalooyin Khamri ah iyo 160 Kartoon oo ay ku jiraan Qalabka Baabuurtsa,isla markaana ay hayaan dukumiinti cadeynaya dadkii lahaay baarisna lagu haayo.

Ugu dambeyn Taliyaha waxaa uu sheegay in marnaba aan la ogolaan doonin in dalka la soo geliyo Khamri,sidoo kalena ay Maxkamad horkeeni doonaan dadka ay ku cadaato inay leeyihiin Khamrigaan.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com