Axmed Madoobe oo heshiis la saxiixday Cabdinaasir Seeraar iyo Xidig (SAWIRRO)

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa goor dhow heshiis la gaaray Cabdinaasir Seeraar Maax, Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo Daahir Axmed Sheekh.

Heshiiskan oo ah mid lagu soo afjaraayo kala duwanaanshahooda siyaasadeed ee Jubbaland ayaa waxay ku wada saxiixdeen Magaalada Nairobi.

Dhinacyadan ayaa waxay ku heshiiyeen toddobo qof, sida lagu baahiyay Telefishinka Jubbaland, oo afka maamulkaasi ku hadla.

Dhinacyadan oo la magac-baxay isbahaysiga is bedeldoonka ee Jubbaland ayaa hadda ka tanaasulay mowqifkoodii ahaa in jegada laga tuuro Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa heshiiskan kaga gudbaya khilaaf muddo dheer soo taagnaa oo kala dhaxeeyay xubnahaasi, ka dib markii ay ku kala irdhoobeen doorashadii 22-kii bishii August ee sanadkii hore ka dhacday Magaalada Kismaayo, laguna soo doortay Axmed Madoobe.

Halkaan kadaawo sawirada