Soomaaliya dadka uu soo ritay cudurka Corona Virus oo gaartay 328 qof

41 qof ayaa maanta laga helay xanuunka COVID19. Waxaa u geeriyootay 2 ruux 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Wasiirka Caafimaadka dowladda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in 328 qof laga helay Cudurka Covid 19 guud ahaan Soomaaliya.

Dhimashadda ayaa sidoo kale gaartay 16 halka dadka ka bogsaday Cudurka ay gaartay Sideed Ruux.

Waxaa sidoo kale sheegtay in dadka Cudurka laga helay uu ka mid yahay qof ka yimid Magaalada Gaalkacyo qeybta Galmudug.

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa horey u sheegtay in kiisaska cudurka ee laga helayo dalka ay sare u sii kaceyso maalinba maalinta ka dambeysa, loona baahan yahay shacabka iney ku dhaqmaan talooyinka ka hortaga ah si loo yareeyo faafida cudurkan.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com