Cabdi Xaashi oo Eedeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Rooble

Guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Rooble u gudbiyay Qaramada Midoobay.
Qoraalka kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha aqalka sare oo ka kooban laba Bog ayuu u kala diray beesha caalamka iyo wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, wuxuuna ka dalbaday inay soo fara-geliyaan arrimaha doorashada dalka ka dhacaya 2020/2021.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa horey uga soo horjeestay guddiyada doorashada heer federaal iyo kuwa doorashooyinka xildhibaanada ee kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Somaliland ee uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com