Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Party oo shaaciyay in doorasho aysan raali ka ahayn Dalka aan lagu qaban karin

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo waraysi siiyay Universal TV ayaa sheegay in doorasho aysan raali ka aheyn Siyaasiyiinta marnaba lagu qabin karin sida uu hadalka u dhiggay magaalada Muqdisho.

”Qof walba oo raba in uu xildhibaan ka noqdo Baarlamaanka soo socda waxaa la marsiinayaa xarunta Nabad-sugida oo ay tallo lacag ay Dowladda Qatar ugu tala–gashay in uu xildhibaankaasi ku soo baxo, waxaan rabaa in aan u sheego dowladda in doorasho aan Annagu raali ka aheyn Muqdisho lagu qaban karin ayuu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayuu yiri Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur.

Cabdiraxmaan Cabdi shakuur ayaa Dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ku amaanay in aysan wali soo xulin xubnihii ugu mid noqon lahaa guddiyada doorashada isaga oo sheegay in arinkaa ay ku saxan yihiin, waxaana uu dowlad gobolleedyada kale ku eedeeyay in ay soo magacaabeen xubno la mid ah kuwa dowladda dhexe ee federaalka oo ka yimid hay’addaha Amniga gaar ahaan sida uu hadalka u dhigay taliska Nabad-sugida
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com