Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo xilka ka qaaday Gudoomiyihii Degmada Yaaqshiid

Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa Xilkii looga qaaday Gudoomiyhii Degmada Yaaqshiid iayadoo mid kalena loo soo magacaabay Degmadaasi

Guddoomiye Cumar Finish, ayaa guddoomiyaha cusub ee degmada Yaaqshiid u magacaabay Maxamed Cabdullaahi Cariif, isagoo xilka guddoomiyanimo ka qaaday Muuse Geesey Jimcaale.

Xilka qaadista ayaa ku soo beegmatay, xilli dhowaan Madaxweyne Farmaajo uu isbedel ku sameeyay qaar ka mid ah Guddoomiye ku xigeennada Maamulka gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com