Wasiirkii hore Warfaafinta Daahir Maxamuud Geele oo sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu laba sano ka hor uu ka diiday in la dhaleeceeyo mucaaradka

Wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaciyey in laba sano ka hor uu Madaxweyne Faramajo ka diiday inuu gudbiyo fariin lagu dhaleeceynayey mucaradka dowladda.

Waxa uu sheegay in taageerayaasha Farmaajo ay u yimaadeen xiligii uu wasiirka warfaafinta ahaa, isla markaana ay ku dhaheen faafi hadalka Madaxweynaha oo mucaaradka ku tilmaamayey siyaasiyiin xanaaqsan, balse uu ka diiday.

“Laba sano kahor, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo  ayaa mucaaradka ku sifeeyay “siyaasiyiinta xanaaqsan”. Anigoo wasiirka warfaafinta ah ayaa taageerayaashiisu iigu yimaaddeen inaan hadalkaas faafiyo. Waan ka diiday,” ayuu yiri Daahir Geelle .

Geelle ayaa sheegay in hadda fariin tii lamid ah loo soo dhiibay wasiirka cusub ee warfaafinta Cismaan Dubbe, isla markaana uu faafiyey.

“Hadda, wasiirka cusub ee warfaafinta, Mudane Cismaan Dubbe, ayaa loo soo dhiibay nuqulkii labaad, wuxuuna hadalkiisii ugu horreeyay ee uu fagaare ka yiraahdo ku sifeeyay mucaaradka siyaasiyiin waalan,” ayuu yiri daahir.

Daahir Geelle ayaa is weydiiyey cidda loo soo dhiibi doono nuqulka seddaxaad ee dacaayadda ka dhanka ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee aan la dhacsaneyn siyaasadda madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo ka jawaabay eedeymaha loo jeediyey madaxda dowladda federaalka ee ku aadan hanaanka ay u martay soo magacaabidda xubnaha guddiyada doorashooyinka dalka ayaa ku tilmaamay siyaasiyiin waalan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com