Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle iyo ciidamada dowlad oo howlgal culus fuliyay

Howgal ballaaran oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa Ciidamada Boliiska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Ciidanka Millateriga qeybta 27aad Guutada 3aad oo iskaashanaya ay ku sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.Saraakiisha Ciidamada Millateriga iyo Booliska ayaa waxaa ay sheegeen in howlgallada laga fuliyay degaannada kala ah, Doon cadale, moora mareereey, dheel dhanaan, shanta baraako, kulanta, garasweyne, basro, Daniga baaloow iyo buulokuunto , kuwaas oo hoostaga degmada Balcad. Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle G/sare, Xassan Dhicisow Xassan oo Hogaaminayay howlgalka ayaa ka warbixiyay duulaanka ay ku qaadeen deegaananda ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana uu sheegay inay ula jeedadu ahayd sidii deegaanada ay Gobolka ka joogaan Al-Shabaab looga saari lahaa loona sugi lahaa Amniga wadada dheer ee isku xirta Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in howlgalkaas lagu dilay madaxii qaraxyada u qaabilsanaa Al-Shabaab Gobolka Shabeellaha Dhexe,balse uusan sheegin Magaciisa.

 

Dhowr jeer oo hore ayaa Al-Shabaab weeraro qaraxyo iyo dagaal toos ah waxaa ay ka fuliyeen wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Jowhar & Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo ku dilay, Askar iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle

Xafiiska Wararka jowhar.

Info@aragticusub.com