Ciidamada Dowlada oo la wareegay degmada Guriceel.

Guriceel:-Ciidamo ka wada tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Guriceel.

Ciidamada ayaa dhowr jiho ka soo galay degmada sida Wararka nagu soo gaarayaan.

Saraakiil ka tirsan dowlada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in si nabad ah kula wareegeen gacan ku heynta degmada.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadii taabacsanaa ahlusunna ay isaga baxeen degmada iyaga oo wax iska hor imaaad ah dhicin.

Xaalada degmada ayaa haatan ah mid degan  inkasta oo dadkii degmada ku noolaa intooda badan degmada dibad joog ka yihiin.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com