Deg deg: Booliska Norway oo gacanta ku dhigay mid ka mid ah dadka looga shakisan yahay dilka Hamze.

Oslo:- Booliska Magaalada Oslo ayaa goordhaw shaaca ka qaaday in gacanta ku dhigeen mid ka mid ah rag looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen dilka Hamze.

Sarkaal ka tirsan Booliska oo goordhaw la hadlay warbaahinta ayaa xusay in ay ku guuleysteen qabashada ninkaan loo maleynayo in uu ku lug lahaa dilka.

Balse Booliska ayaa tilmaamay in laba ka mid ah dadka sida aad ka ah ugu tuhmayaan dilkaas wadanka isaga baxeen.

Waxaana ay xaqiijiyeen in haatan laga baadi goobayo wadanka dibadiisa si gacanta loogu soo dhigo.

Hamze Hashi 20-jir Soomaali ah ayay kooxo hubeysan ku dileen xaafada Mortensrud ee Magaalada Oslo ee Caasimadda dalka Norway.

Wixii Warar ah ee ku soo kordha kala soco www.aragticusub.com 

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com