Ciidamada dowladda oo Qof Shacab ah ku dilay Muqdisho (Sawiro).

Muqdisho,Askar ka tirsan Ciidamada dowlada ee ku sugan agagaarka Isbitaal digfeer ayaa goordhaw qof Rayid ah ku dilay Halkaas.

Dad goob joogayaal ah oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ruuxa dilka loo geystay uu ahaa darawal gaari nooca xamuulka qaada.

Lama oga dhab ahaan sababta ka dambeysay dilka darawalkaan.

Dilalka ay Ciidamada dowlada u geystaan dadka Rayidka ah ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku soo kordhayay Magaalada Muqdisho.

Daawo Sawirada.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com