M/weeyne Farmaajo oo xariga ka jaray Garoonka Stadium Muqdisho +SAWIRRO

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta xariga ka jaray Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho, ka dib markii dayactir iyo dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay.

Stadium Muqdisho oo ah kan dalka ugu weyn ayuu burbur xoogan ka soo gaaray dagaaladii sokeeye iyo dagaaladii Magaalada Muqdisho ku dhex maray Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika iyo Ururka Al Shabaab.

Garoonka oo sideed sano in ku dhow ay deganeyd Amisom ayaa siyaabooyin kala duwan loogu ekeeyay madaafiic ay Shabaabku ka soo tuureen goobo kala durugsan.

Dib u dhiska xilligan lagu sameeyay Garoonka Stadium Muqdisho ayaa waxaa maalgeliyay Ururka Midowga Yurub, iyadoo loo sii marayo hay’ado maxali ah oo dhismihiisa qandaraas ku siiyay shirkado madani ah, inkastoo Injineero Caddaan ahi ka qayb qaateen dib u hawlgelintiisa.

Madaxweynaha Somaliya oo ay wehliyan Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Wasiirada Cayaaraha & Dhalinyarada, Warfaafinta iyo Duqa Magaalada Muqdisho ayaa xariga ka jaray Garoonka Stadium Muqdisho.

Madaxweynaha oo ku labisnaa dharka cayaaraha oo laga sameeyay Astaanka Qaranka ayaa gudaha u galay Stadium Muqdisho, waxaana la arkaayay isagoo kubadda baleejeynaya.

Kooxaha Horseed iyo Muqdisho City Club ayaa lagu daahfuray cayaartii ugu horeysay oo Garoonka Stadium Muqdisho lagu qabto, ka dib markii uu Madaxweynuhu xariga ka jaray.

Cayaaro badan oo indhaha dunida soo jiitay ayuu martigeliyay garoonkan, ka hor xilligii burburka, in dib loo hawlgeliyaana waxaa ay calaamad u tahay dib u soo kabashada Somaliya.