Maxaa ka jira in uu Socdo Abaabulka Mowshin ka dhan ah Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb eexaruunta  maamulka  Galmudug, ayaa sheegaya in  uu halkaasi ka socdo Abaabulka Mooshin xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka DR. Maxamed Nuur Gacal.

Xubno ka tirsan Golaha Wakiilada Galmudug, ayaa la sheegay in ay wadaan Abaabulka Mooshinkaas ,kadib markii ay Guddoomiyaha ku eedeeyeen in uu ku xadgudbay dhawr qodob iyadoo ilaa hadda uusan Mowshinka si Rasmi ah loo shaacin hadana waxaa wararku ay sheegayaan in si hoose uu Abaabulka Mowshinka U socdo

Qaar ka Tirsan Xildhibaannada  Galmudug , ayaa Guddoomiye Gacal ku eedeeyay  in uu si qaldan u isticmaalay Awoodihiisa, islamarkaana xushmad darro  u muujiyay Golaha Wakiilada Galmudug. Sidoo kale waxay ku eedaynayaan in uu lacag ka badan Saddex boqol oo kun oo Dollar ($300, 000 Dollar) ku Kharash-gareeyay Xafiiskiisa gaarka ah, iyadoo Xildhibaannadu ay mushahar la’aan yihiin mudda saddex bilood ah.

Warar kale ayaa sheegaya in Xubno kale aan ka Tirsaneyn Golaha wakiilada Galmudug ay ku lug leeyihiin Xil ka qaadista lagu sameynaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com