Mustaf Dhuxulow oo ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo Burburinta Dowlad Goboledyada

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dowladda Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inay burburinayso dowlad Goboleedyada.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan marnaba isku dayin inay dowlad Goboleedyada siyaasadda iska fahmaan, sidaas daraadeedna meesha looga saaray Madaxweynayaashii dowlad goboleedyada, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed & Galmudug.

Mustaf Dhuxulow oo ka hadlaayay Shirka Magaalada Garoowe ayaa sheegay in sababaha ugu weyn ee soo celceliya khilaafka Dowladda, Maamulka Jubbaland & Puntland ay tahay Arrimo siyaasadeed iyo inay Madaxweyne Farmaajo kala Shaqeyn waayeen in dib loo doorto.

“ Madaxweyne Farmaajo ma rabyo in uu la heshiiyo dowlad goboleedyada, kuwii kala Shaqeyn waayay in dib loo doorto meesha ayuu ka saaray, Jubbaland & Puntland caqabad ayaa lagu furay, qof ka hadashayna waa la la’yahay ayuu yiri” Mustaf Dhuxulow.

Ugu dambeyn Mustaf Dhuxulow ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo in dalka Ereteriya oo uu xukumayo Madaxweyne kaligiis talis ah uu u diray Ciidamo si loogu tababaro, isaga oo sheegay in Ciidamadaas loogu talo galay inay dalka kusii haayaan Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com