Madaxweynaha Soomaaliya saacadaha soo socda soo jeedin doona khudbad ku aadan 1da luulyo

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa inuu Madaxweyne Farmaajo jeediyo Khudbadda  Munaasabadda Maalinta Xorriyadda iyo Israaca Somaaliya oo ku beegan maanta oo ay Taariikhdu tahay 1-da Luulyo.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu Khudbadiisa kaga hadli doono Arrimaha Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha iyo Bulsho iyo Waxqabadka DFS ee muddada uu Talada dalka hayey iyo Hadal-haynada kale ee Xasaasiga ah.

Madaxweynaha waxaa suurtogal inuu si guudmar ah kaga hadlo Arrimaha Siyaasadda, Qabsoomida Doorashada lagu kala qeybsan yahay iyo Casuumaadii uu u fidiyey Madaxda Dowlad-gobaleedyada ee la filayo inuu isbuuca soo socdo ka furmo Muqdisho.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in dhergta loo taagayo Nuxurka Khudbadda Madaxweynaha oo ku soo beegantay Xilli Xasaasi ah oo ay Xasarado Siyaasadeed jiraan, isla markaana ay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Maamul-gobaleedyada si kulul u naqdinayaan Xeerarkii ay Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee BFS ansixiyeen.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu xalay ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey 60-guurada ka soo wareegtay Xornimada Gobolada Koonfureed iyo Midnimada dalka ee 1-da Luulyo oo lagu qabtay Xarunta Villa Somalia.

Waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka XDS, waxaana Munaasabadaasi ka qeyb galay boqolaal qof oo isugu jira Mas’uuliyiinta DFS, Saraakiisha qeybaha Ciiddamada, Maamulka Gobalka Banaadir, Fannaaniin iyo dadweyne fara badan.

Xalay magaalladda Muqdisho lagamana maqlin Rasaastii faraha badnayd ee sida xad-dhaafka loo riday Habeenkii loo dabaaldegayey Munaasabadii 26-kii June, oo sababtay dhimasho iyo dhaawacyo soo gaaray qaar ka mid ah Bulshadda ku nool Muqdisho.