Ciidamada Mucaaradka Itoobiya oo ku sii siqaya magaalada Adis-ababa

Afhayeen u hadlay mucaaradka Tigray ayaa sheegay in ciidamadooda ay ku sii siqayaan caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ilaa dowladdu ay qaaddo go’doominta ay gelisay gobolka waqooyiga dalkaasi ku yaalla ee Tigray.

Getachew Reda ayaa raadiyaha ayaa sheegay in caqabadda keliya ee hortaagan nabadda Itoobiya ay tahay “ku dhegganaanta Abiy Axmed ee in qaab militari loo xalliyo wax dhibaato siyaasadeed ah”.

Mcaaradka ayaa ku sii siqayay caasimadda, iyadoo dowladdu ay dadka deggan Addis Ababa ugu baaqeysay inay is abaabulaan oo ay is difaacaan.

Getachew ayaa sheegay in ujeedkood augu weyn “uusan keliya ahayn Addis Ababa ee uu yahay in Abiy lagu qasbo inuu go’doominta ka qaado dadkooda”.

“Waxay u taallaa Abiy inuu haa ama maya dhoho dalabaadkeenna…dagaalkana uu soo afjaro,” ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Xoreynta Dadka Tigray (TPLF).

Afhayeenka ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, oo ku sugan Itoobiya si uu u dhexdhexaadiyo labada dhinac inay dagaalka soo afjaraan, uu wada hadalo miro dhalay la yeeshay hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael.

Xafiiska wararka muqdisho

Info@aragticusub.com