Ciidamada Soomaaliland oo Dhaqdhaqaaqyo ka Wada Degaanka Tukarraq

Ciidamada Soomaaliland ayaa dhaqdhaqaaqyo horleh ka bilowday degaanka Tukaraq ee gobolka Sool halkaas oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo Soomaaliland.

Degaanka Tukaraq waxa Shalay gaaray Abaan-duulaha Ciidamada Soomaaliland Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulllaale oo ay weheliyaan saraakiil Ciidan kuwaas oo kormeer ku sameeyay Saldhigyada Soomaaliland ee Tukaraq.

Xubnahaasi ayaa la kulmay Saraakiisha Soomaaliland ee ku sugan ee jiidda Tukaraq halkaas oo todobaad ka hor dagaal ku dhexmaray jabhadda SSC iyo Ciidamada Somaliland.

Sidoo kale Soomaaliland ayaa jiidda Tukaraq ku kordhisay tiro kamid ah gaadiidka uu saaranyahay hubka Taangiyada .

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com