Xildhibaanada Golaha shacabka oo Codka Kalsoonida Siiyay Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble

Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya ayaa Cod Aqlabiyad leh ku Ansixiyey Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo xil kaas oo loo magacaabay 17-kii bishan September, 2020.

Kulankan Golaha shacabka oo ay ka qayb galaeen 215 Xildhibaan ayaa waxaa shir guddoomiyey Godoomiyaha Golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya , Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay wehliyaan labadiisa ku xigeen ee Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad.

Kulanka Golaha shacabka ayaa waxa Daah Furay  Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal sheekh oo xildhibaanada ka hor Jeediyay Ajandaha kulankan oo ahaa mid gaar ah, laguna Ansixiyey Ra’iisul wasaaraha cusub.

Ka dib guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa ku soo dhoweeyey hadalka Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo khudbad kooban ka jeediyey xarunta Vill Hargeysa oo uu kulanka ka dhacay

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha cusub uu ku soo xushay waayo Aragnimo, Aqoon iyo wadanyadiisa oo sarreysa, kadibna wuxuu ka codsaday xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya inay siiyaan codka kalsoonida.

Intaasi Kadib waxaa la gudaha galay kalsooni siinta Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ugu horreyn khudbad u jeediyey Golaha, wuxuuna mahadcelin kadib sheegay inuu wax ka qaban doono Amniga, doorashada, dhaqaalaha, cadaaladda, dib u eegista dastuurka iyo dib u heshiisiin.

Sidoo kale wuxuu ballaan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka ka bixisa marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro, kadib wuxuu weydiistay codka.

Xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah ku meel-mariyey Ra’iisul wasaaraha, waxaana codka kalsoonida ah siiyey dhammaan 215 xildhibaada ee kulanka soo xaadiray, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com