Ciidanka Amniga puntland oo Fashilay Weerar lala damacsanaa Boosaaso

Ciidamaada Amaanka Magaalada Boosaaso, ayaa xalay fashiliyay sida ay sheegeen saraakiil ka Tirsan Ciidankaasi weerar qorshaysan oo la doonayay in lagu qaado Hoyga uu Boosaaso ka degan yahay Duqa Magaalada Boosaaso ,

Kooxo hubaysan oo ka tirsan Daacish, islamarkaana doonayay in ay weerarka fuliyaan ayaa midkood oo dhaawac qaba gacanta lagu dhigay halka intii kalena ay goobta isaga carartay sida ay sheegeen Saraakiisha Booliiska.
Wararku waxay sheegayaan, in ruuxa la qabtay uu isku dayay in uu baxsado, xilli lagu dabiibayay isbitaal ku yaalla gudaha Boosaaso, balse aysan u suurta-gelin, maadaama ay ilaalo ka hayeen Ciidanka Booliisku.

Amniga Boosaaso ayaa isbeddel weyn laga dareemay tan iyo bilowgii sannadkan, kadib hawlgallo xiriir ah oo ay halkaasi ka sameeyeen Laamaha kala duwan ee Ciidamada, oo kaashanaya hay’adaha Sirdoonka Puntland.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com