Ku simaha Duqa Muqdisho oo ka qayb galay kulan looga hadlayay Xoojinta Amniga

Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda , Axmed Xasan Iimaan iyo guddoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Banaadir , Basma Caamir Axmed (Shakeetti) ayaa ka qeyb galay kulanka wadatashiga bulshada oo lagu qabtay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Kulanka oo ah mid leysku xog wareysto oo maamulka gobolka Banaadir uu marba degmo ku qabto si loo ogaado baahiyaha qarsoon ee bulshada ayaa su’aalo lagu weydiiyay kusimaha duqa caasimadda.

Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Axmed Xasan Iimaan oo ka jawaabayay su’aalaha la weydiiyay oo u badnaa wax ka qabashada warta Siigaale iyo shaqo abuurka dhallinyarada ayaa sheegay in gabogabo ay mareyso qorshaha wax looga qabanayo warta Siigaale, isagoo sidoo kalena xusay in dhallinyaradu ay mudnaanta koowaad leeyihiin si ay ugu manaafacaan waxbarashada ay waqtiga badan soo geliyeen.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bilihii ugu dambeeyay joogteeyay kulamada wadatashiga ah ee bulshada ay la yeelanayaan taas oo qeyb weyn ka qaadaneysa is-dhaxgalka bulshada,wada-shaqeynta iyo sugida amniga.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com