Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad Hir shabeele oo la dhaarinayo iyo Qabiilada Qaar oo ka soo horjeestay

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee maamulka Hirshabelle ayaa looga yeeray xarunta guddiga farsamadda iyo soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle si loo siiyo aqoonsiyo isla markaana loo dhaariyo si ay waajibaadkooda shaqo u guda galaan.

Guddiga farsamadda ayaa u muuqda kuwa kasii hordhacaya jadwalkii ay horay usoo bandhigeen kaasoo ay ku sheegeen in dhaarinta Xildhibaanada labaad ay dhaceyso 31-ka bisha October taasoo waqtigeeda laga soo hormariyay.

Liiska Xildhibaanada labaad ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa xalay lagu dhawaaqay iyadoo aysan qeyb ka aheyn wakiilo ka socda dowladda Soomaaliya mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda oo ku aadan magacaabista Xidhibaanada labaad ee Hirshabelle

Dhinaca kale Beelaha Qaar ee Hir shabeele ayaa ka soo horjeestay ku dhawaaqista Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad Hir Shabeele waxaana Beelaha qaar ay sheegeen in liiska Dadkii ay geysteen lagu bedlaay kuwao kale oo aysan shaqo ku lahayn
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com