Dibad Bax looga soo Horjeedo Hadalkii uu ugu gafay Madaxweynaha Faransiiska Nabigeena Muxammed {NNKH} oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Banaaan bax looga soo horjeeday Hadalkii gaf ka ahaa ee madaxweynaha Faransiisku uu ugeys nabigeenna Muxammad (NNKH) ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Bannaan baxayaasha oo isugu jiray arday,ganacsato, culimaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku qeyblinayay erayo ka dhan ah Faransiiska.

Qaar kamid ah culimada oo la hadlay bulshada ayaa uga mahadc-eliyay shacabka sida ay u muujiyeen dareenkooda iyo sida ay diyaar ugu yihiin difaacidda diinta Islaamka iyo nabigeenna naxariis iyo nabad gelyo korkiisa Allaha yeelee,waxeyna tilmaameen in aflagaadada loo geysto aysan waxba ka dhibeyn nabigeenna Muxammad.

Isu soo baxa ayaa ahaa kii ugu weynaa ee ka dhaca magaalada Gaalkacyo wuxuuna jawaab u yahay hadal dhawaan kasoo yeeray madaxweynaha Faransiiska oo ahaa in sawir gacmeedyada nabiga loo ekeysiiyay ay sii wadi doonaan, kaddib markii macalin dhiga iskuul uu ardaydiisa u sawiray, sawir uu uga been abuurtay nabigeenna, arrintaas oo Faransiisku uu dhibaato xooggan uu kala kulmay kaddib markii badeecadihiisa laga joojiyay waddamo badan.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com