Ciidanka Danab oo Hawlgal ka sameeyay gobolka Shabeelaha Hoose

Xubno Saraakiisha Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa laga soo xigtay in ay hawlgal qorshaysan ku burburiyeen fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen Gobolka Shabeellada Hoose.
Saraakiisha ayaa sheegay in weerarka laga fuliyay degaanka Leego oo qiyaastii 44KM dhanka waqooyi ka xiga degamada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose halkaas oo lagu burburiyay fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen.
Ciidanka hawlgalka fuliyay ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay mootooyin ay Al-shabaab ku urursadeen halkaas oo ay u isticmaali jireen miinooyink iyo waxyaabaha qarxa waaa sida hadalka ay u dhigeenee saraakiisha ciidanka Danab
Kumaandooska DANAB ee Ciidamada Milateriga Soomaaliya waxay muddooyinkii u dambeeyay hawlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka wadeen degaanno kala duwan oo ka tirsan Shabeellada Hoose.
ma jiro ilaa hadda war ka soo baxay dhinacaa Alshabaab ee looga hadlay jiritaanka Hawlgalka Ciidanka Danab ay ka fuliyeen gobolka shabeelaha Hoose

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com