Madaxweyne Qoor Qoor oo Ansixiyay sharciyo ay meelmariyeen Golaha Wakiilada Galmudug

Munaasabad lagu qabtay Xaruunta madaxtooyada Galmudug ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor waxa uu ku saxiixay xeerar muhiim ah oo kala ah:- Shariga Maaraynta deegaanka, Sharciga Hay’adaha, Sharciga dhismaha Booliiska iyo Sharciga dowalaha Hoose.

Shuruucdan waxaa soo diyaariyey Wasaaradaha kala ah; Deegaanka, Qorsheynta, Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose.
Munaasabaddaan waxaa ka qaybgalay Madaxwayne Ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, guddoomiyaha Baarlamaanka, Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka, Garsoorka, La- taliyayaal iyo hawlwadeenno ka tirsan madadaxtooyada Galmudug.

Madaxwayne Qoorqoor wuxuu golaha Barlamaanka iyo wasiirada Galmudug uga mahadceliyey ansixinta shuruucdaan. isagoo xusay in shuruucdu ay gundhig u noqon doonto in sifo sharci ah Xukuumadda u fuliso hawlaha hortebinta leh ee loo igmaday.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com