Ciidanka dowladda oo miinooyin kasoo saaray degaano ay la wareegeen

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sheegtay in Kooxda miina-baarka ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira AlAl-Shabaab deegaanno dhaca koofurta Mudug ayaa ku guulaystay in ay saaraan maantay miinooyon Shabaab ay ku aaseen wadooyinka gala Shebeelow oo dhibaato ay ku qabeen shacabka halkaas ku dhaqan iyo kuwa socotada ah ee isticmaali jiray wadooyinkaas.

Kooxda miina-baarka ciidamada huwanta ah ee aagga Shabeeelow oo ka jawaabaya codsi uga yomid dadka deegaanka ayaa hawlgal ay sameeyeen maantay ku guulaystay saarista laba miino oo kuwa gaadiidka lagu qarxiyo ah, ayadoo ay weli sii wadaan hawlaha miina-baarista iyo saaristu.

Qeybaha bulshada ee Shabeelow ku dhaqan ayaa u mahadceliyey saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida isla markaana bogaadiyey hawlaha miino baarista iyo sida degdegta ah ee codsigooda looga jawaabay, waxayna dhankooda ballanqaadeen in ay la shaqayn doonaan ciidamada dawladda iyo kuwa Galmudug ee hawlaha xoraynta wada.

Al-Shabaab ayaa wixii ka danbeeyey markii Ciidanka dowladda kala wareegeen degaannada Bacaadweyn, Qaycad iyo Camaara waxaa ay miinooyin ku aasayeen wadooyinka soo gala degaannada lagala wareegay.