Maamulka degmada Diinsoor oo Ciidanka AMISOM kala shiray la dagaalanka Al-Shabaab

Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Cabdisalaan Xaaji Siidow oo ay wehlinayaan Xubnaha kale ee Maamulka.ayaa waxaa ay kulan looga hadlayay Amniga la qaateen Saraakiisha AMISOM ee ku sugan degmadaas.

Kylanka ayaa looga hadlayey amniga magaalada iyo tuulooyinka ku dhowdhow magaalada waxaana kasoo qeyb galay saraakiisha ciidamada milateriga iyo kuwa daraawiishta ku sugan degmada, waxaa kaloo joogay taliyaha saldhiga booliska degmada iyo Xubnaha kale ee maamulka degmada.

” Runtii waxaan isla meel dhignay qodobo muhiim u ah amniga deegaanka sidoo kale in la sameeyo howl-galo lagu baacsanayo Al-Shabaab, kuwaasoo dhibaato ba’an ku haya shacabkeena ayuu yiri” Guddoomiyaha degmada Diinsoor.

Ugu dambeyn shirka ayaa kusoo idlaaday is-afgarad buuxa.iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo fuliyo qodobadii laguu jeecjeexay shirka, sida lagu sheegay war kasoo baxay Maamulka.

Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dagaalo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, iyada oo Shabaab mararka qaar ay weeraraan Saldhigyada Ciidamada ee degmadaas.