Beesha Caalamka oo War kasoo saartay heshiiskii Madaxweynaha Jubbaland iyo Mucaaradka

Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya  waxay soo dhaweynayaan wadahadalkii u dhexeeyay maamulka Jubaland iyo hoggaanka Golaha Isbadalka ee Jubaland kaasoo ku dhammaaday heshiis dib-u-heshiisiin ah oo la saxiixay 23 Abriil.

Heshiisku wuxuu u taagan yahay tallaabo wax ku ool ah oo lagu xallinayo khilaafaadka ka soo ifbaxay hannaanka doorashada Jubaland ee Agoosto 2019.

Natiijooyinka doorashada ee lagu muransan yahay ee Jubaland iyo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka 18-kii bilood ee la soo dhaafay waxay hoosta ka xarriiqaysaa muhimadda ay leedahay hannaanka doorashada ee la isku halleyn karo oo ay Soomaalidu ku dooran karto hoggaamiyeyaasheeda iyada oo la raacayo Dastuurka Federaalka iyo Dastuurka ee xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

Wada-hawlgalayaashu waxay ku dhiirrigelinayaan dhammaan daneeyayaasha Jubaland, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha siyaasadeed, bulshooyinka iyo hoggaamiyeyaasha dhaqanka inay dhisaan heshiiskii 23 Abriil, ay hirgeliyaan tallaabooyinka dabagalka, ayna sii wadaan wada hadalkooda wax dhiska

Wada-hawlgalayaasha ayaa soo dhaweynaya rabitaanka ay muujiyeen daneeyayaasha Jubaland ee ku aadan la shaqeynta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, iyo in Jubaland ay diyaar u tahay wada shaqeyn buuxda oo ay la yeelato Dowladda Federaalka.

Saaxiibada caalamiga ah waxay ku boorinayaan maamulka Jubaland iyo hogaanka FGS inay si nabad ah ku xalliyaan khilaafaadkooda sii dhex mara iyada oo loo marayo wadahadal, iyo in la yareeyo xiisadaha ka sii socda gobolka Gedo.

Waxa ay ugu baaqeen dhammaan Soomaalida in ay dhiirrigeliyaan midnimada iyo dib-u-heshiisiinta iyaga oo bilaabaya bisha barakeysan ee Ramadaan iyada oo aaney kaliya soo food saarin qatarta aan horay loo arag ee ka dhacda COVID-19 laakiin waliba khatarta joogtada ah ee argaggixisada.