Sheekh Shariif oo ku baaqay in deg deg loogu gurmado Shacabka Qardho

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee  Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa guddoomiyey shir qaab fogaan arag ah (Video Conference) ku yeesheen madaxda Madasha oo ka arrinsaday xaaladda dalka gaar ahaan xanuunka Coronavirus iyo daadka waxyeellada ba’an gaarsiiyay magaalada Qardho.

Gudoomiyaha Madasha Shariif Sheekh Axmed ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qeyb qataan u gargaarida Shacabka Magaalada Qardho.

Shirkan waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh, Xildhibaan Abdulkadir Cosoble, Xildhibaan Suleyman Xaashi, Xildhibaan Fiqi, Dr. Shirwac, Maxamed Siiriin, Drs Caa’isha Kablow, Maxamed Madoobe Nuunow, Shariif Xasan Sheekh Aaadan iyo masuuliyiin kale.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa intii uu shirkooda socday waxaa Shacabka ugu baaqeen inay qaataan talooyinka Caafimaad ee ka horatag CORONAVIRUS,sidoo kale waxaa ay ku baaqeen in loo gurmado Shacabka Magaalada Khardho