Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo sameystay ciidan madax jebis ah

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa sameystay ciidan gaara, oo kuwa madax jebiska loo yaqaano ah.

Ciidamadan oo 70 askari gaaraya ayaa waxaa tababaray Ciidanka Militariga Itoobiya ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Koonfur Galbeed, waxaana ay ciidamadaasi ku tababareen xeradooda ku dhex taala Garoonka Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Dhammaan ciidamadan waxaa weeye kuwo ku jifo ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed, hadana waxaa loo xoreeyay 100 kale, oo tababar looga bilaabaya xerada Ciidanka Itoobiya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa warbahinta u sheegay in boqolka kale ee iminka la tababarayo dhammaantoodba laga soo xulay jufada Madaxweynaha.

70-kii askari ee tababarka loo soo xiray ayaa 1dii bishan la dejiyay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo, kuwaa oo mushaarkooda toos uga qaata Xafiiska Madaxweynaha.

Maadaama Maamulka Koonfur Galbeed uu mid fadhiid ah noqday ayaa waxaa isa soo taraya siyaasiyiinta iyo haldoorka bulshada, ee eedeymaha u jeedinaya Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen. Ciidamadan gaarka ah ee Madaxweynuhu sameystayna waxaa loogu talagalay in loo adeegsado dadka dhaliilsan maamulkiisa.

Xilli bisha barakeysan Ramadan ay laba toddobad uun inaga xiggaan ayaana laga cabsi qabaa in ciidamadan ay falal ka baxsan amniga ka gaystaan Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo, si hadhow dilalkaasi loogu eedeeyo maleeshiyada Al Shabaab.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com