SAWIRO:-Dowladda Somalia oo la soo gaarsiiyey Qalab lagu baaro COVID 19

Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa waxa ay maanta Qalabka Baaritaanka Cudurka Corona soo gaarsiisey Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa qalabkaan kala wareegay Hay’adda,iyada oo qalabkaan lacagta lagu iibiyey ay Soomaaliya ugu deeqdey Dowladda Talyaaniga.

Munaasabad kooban oo Wasaaradda loogu wareejiyey Qalabkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiinta Wasaaradda,Xubno ka socda Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho iyo Xubno kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku jirtaa sidii looga hortegi lahaa faafida Cudurka Coronavirus oo saacadihii la soo dhaafay kiisas kamid ah laga helay Muqdisho sidoo kalena qofkii ugu horeeyey uu u dhintey.

Halkaan kadaawo 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com

o