Madaxda ugu sareysa Sacuudiga oo iskaraantiilay

Warbaahinta Sacuudiga ayaa xaqiijisay  in 150 ruux oo ka tirsan qoyska boqortooyada Sucuudiga  laga helay cudurka Coronavirus.

Dadka Cudurka laga helay waxaa ka mid ah Amiir Faysal bin Bandar bin Cabdulcaziz Al Sacuudi, oo ah guddoomiyaha magaalada Riyaad.

Warbaahinta ayaa ku warantay in uu iskaraantiilay  Boqor Salmaan iyo wiilkiisa amiir Maxamed Bin Salmaan ka dib markii qoyska tallada haya uu ku faafay Corona Virus

Tiradda guud ee dadka uu soo ritay Cudurka Sacuudiga  ayaa dhan 3000 oo qof, halka ay u dhinteen 41 ruux.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com