Jilaayaasha kala ah Salman Khan iyo Shahrukh oo Jilaya Filim Cusub

Xiddigga Bollywood, Salman Khan, ayaa la xaqiijay inuu ka soo muuqan doono Filimka cusub Shahrukh Khan uu ku mashquulsan yahay ee Pathan, kaas oo laga yaabo in uu ku sameeyo ficillo halis ah oo horay uu ugu dhiirraday jilaaga Mareykanka ah ee lagu magacaabo Tom Cruise.

Salman Khan ayaa horay u ballan qaaday inuu gabi ahaanba filimada uusan ka soo muuqan doonin inta uu fayraska corona socdo.

Waxay u muuqataa in Khan uu qorsheyaal waweyn u dajiyay filimkiisa, si uu u xaqiijiyo in uu noqdo mid soo jiidasho leh kana duwan filimadiihii ugu dambeeyay ee fashilmay.

Jilaagan magaca weyn ku leh filimada ayaa walaac weyn ka dhaxlay filimkiisii ugu dambeeyay ee ZERO, oo soo baxay 2018-kii, laakiin suuqa ku guul darreystay. Filimkan waxaa sidoo kale jilaya Deepika Padukone oo iyadana duubtay taxane muhiim ah sannadkii hore.

 

“Salman gebi ahaanba wuu diiddan yahay samaynta filimada xilligan uu jiro Covid-19. Balse waa nin ereygiisa jecel inuu ka dhabeeyo oo jacelna qoyskiisa. Salman ayaa Shahrukh Khan u arka qoyskiisa,” waxaa sidaas yiri, soo saaraha barnaamij uu qayb ka ahaa Salman oo ay aad isugu dhow yihiin.

Dhinaca kale

hirkadda filimka sameyneysa ee Pinkvilla ayaa soo tabiyay in isu duwaha filimka, Siddharth Anand iyo Shahrukh Khan ay ka shaqeynayaan in ay qeybo filimka Pathan ka mid ah oo dagaal ah uu ku sameeyaan Dubai.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee la hadal hayo waa in Shahrukh Khan uu jilliin ku sameeyo gudaha dhismaha ugu dheer caalamka ee Burj Khalifa.

Xogta ay warbaahinta Hindiya shaaciyeen ayaa xustay in muuqaallo aad u waaweyn lagu jili doono dhismaha caanka ah ee Dubai, sida ay qorsheynayaan Khan, Anand iyo sidoo kale Aditya Chopra oo arrintaas ku wada howlan.

Horay waxaa loo xasuustaa in dhismahaas uu muuqaallo taariikhi ah ku sameeyay xiddigga Hollywood-ka Mareykanka ee lagu magacaabo Tom Cruise, oo lagu yaqaanno inuu sameeyo ficillada ugu halista badan ee aflaanta.

Xalaqo ka mid ah filimka Mission Impossible ayuu Tom Cruise ku duubay dhacdo aad halis u ah, isagoo naftiisa halis ku galiyay ficil uu dhismaha Burj Khalifa ku sameeyay.

Shahrukh Khan ayaa sidoo kale lagu soo warramay inuu ku fakarayo ficil uu ku sameeyo dusha sare ee dhismahaas, waxaana laga yaabaa inuu u bareero khatartaas weyn.

 

“Yeysan layaab idinku noqonin haddii aad aragtaan SRK oo ku dagaallamaya qeybta ugu sarreysa ee Burj Khalifa, isagoo xarig lagu xiray balse la qariyay,” ayaa lagu yidhi xogta ay shaaciyeen ilaha ku dhow shirkadda filimka soo saareysa.

Horay wuxuu sidoo kale jilaagan ugu dhiirraday ficillo halis badan, oo ay ka mid tahay in uu ka booday diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo khatarteeda leh, mana aha wax lagu yaqanno in ay sameeyaan atooreyaasha caadiga ah.

Pathan ayaa la filayaa inuu noqdo filim ay ku jiraan ficillo badan oo dagaal iyo is eryasho ah. “Waxaa filimka qeyb ka ah gawaari, mootooyin, hub, qaraxyo, dagaal gacanta ah – u diyaar garooba waxyaabo badan oo ficillo ah inaad ku aragtaan Pathan,” ayaa lagu yiri xogta.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com