Wasiirka Madaxtooyada H/shabelle qolo gaar ah ma-maamulikaraan masiirka H/shabelle

Maamulka Hirshabelle ayaa faah faahiyay waxa xilligan uu u taageeray shirkii uu Talaadadii ku baaqay Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiye Xaashi ayaa lagu sheegay in si deg deg ah ay Madaxda Qaranka, kuwa Maamul Goboleedyada iyo dhammaan daneeye-yaasha siyaasadda isugu yimaadaan shir wadatashi, ka hor inta aan la gaarin 25-ka bishan June, si wadahadal looga galo arrimaha Doorashooyinka Qaranka.

Dad badani layaab uma aynaan arkin in Jubbaland iyo Puntland soo dhaweeyan baaqa Gudoomiyaha, balse tan dadka ka yaabisay ayaa ahayd taageeradii lama filaanka ahayd ee Hirshabelle u muujisay shirkaasi, haddii si dhow loola xiriiriyo Villa Somalia.

Wasiirka Madaxtooyada Hirshabelle, Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Caddow ayaa si adag u difaacay go’aankii uu Madaxweynaha Hirshabelle taageerada ugu muujiyay shirka uu ku baaqay Gudoomiye Xaashi.

“Marka hore War saxaafadeedka uu soo saaray Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, markuu la tashaday ka dib Madaxweyne Kuxigeenka iyo Golihiisa Xukuumadda ayaa go’aan wadajira oo mideysan lagu gaaray in war saxaafadeedkaasi uu soo baxo.

Waxaan u maleyneynaa Aqalka Sare oo Gudoomiyuhu yahay Cabdi Xaashi wuxuu metelaa Maamul Goboleedyada. Maamul Goboleedyada xuquuqdooda iyo metelaadooda in uu u doodo. Metelaadaas oo uu metelo ayaan ku ayidnay, Gudoomiyaha Aqalka Sare, War saxaafadeedkii ka soo baxay Maamul Goboleedka Hirshabelle.” Ayuu yiri Wasiirka.

H/shabeelle ayaa xiligaani kujirto marxalad kalaguur ah maadaama waqtigii loo asteeyay oo marayo heer gebo gebo ah.