Ciidanka Puntland oo Hawlgal ka sameeyay degaano ka Tirsan gobolka Sanaag

Wararka ka imanaaya Gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in Ciidamada Daraawiishta Puntland ay hawlgal qorshaysan gelinkii dambe ee Shalay ku tageen degaanno ka tirsan degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta, ayaa warbaahinta u  xaqiijiyay, in Shalay hawlgal qorshaysan ku gaareen degaanka Gurya-samo iyo nawaaxigiisa oo dhowaan lagu  Arkay Al-shabaab.

Saraakiishu waxay sheegeen, in Hawlgalkaasi ku wajahnaa Al-shabaab oo mararka qaarkood lagu arko degaannada hoos yimaada degmada Laasqoray, islamarkaana todobaadii hore maalmo ku sugnaa tuulada lagu magacaabo Gurya-samo, balse markii dambe iskood uga baxay.
Sidoo kale, waxay sheegeen in ay halkaasi kulamo kula yeesheen Odayaasha iyo Shacabka tuulooyinka ay Ciidanku hawlgalka ku tageen, oo qaarkood ku yaalla jidka loo maro degmada Laasqoray marka laga yimaado dhinaca buuraleyda Calmadow.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com