Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Ansixiyay Sharciga Dhismaha Hay’adda Diiwaangelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed. 

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay kulan ay ku yeesheen Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, ku ansixiyay  Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwangelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaliyeed.
oo uu shir Guddominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal ayaa waxaa lagu ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwangelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaliyeed.
Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay 143 Xildhibaan waxaana ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwangelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaliyeed wax diiday ama ka aamusay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in sharciga uu ansax yahay, waxaana uu u mahad celiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya
Dhanka Kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta labaad Marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka (Immigratin Bill), iyada oo lagu balamay in dib la isugu soo laabto.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com