Cumar Filish oo xaflad u sameeyay kooxda Gobolka Banaadir (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa caawa xaflad dhiirigelin ah u sameeyay ciyaartoyda Gobolka Banaadir.

Kooxda Gobolka Banaadir ayaa galabta ku guuleysatay koobkii kubadda cagta ee Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir uga socday Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay gool kulaad kaga adkaatay kooxda Galmudug.

Ciyaarta oo aad u xamaasad badneyd ayaa qaybtii 1aad lagu kala nastay 1-1, iyadoo qaybtii 2aad leesla dhaafi waayay barbaro 2-2 ah, waxaana leesla aaday riyoore-yaal, iyadoo aan soddonkii daqiiqo ee dheeriga ciyaarta lagu darin, waxaana 3-0 ku badisay kooxda Gobolka Banaadir. Guusha ay gaartay kooxda Gobolka Banaadir waxaa ka caawiyay goolhayahooda, kaasoo saddexdii rigoore ay tuurteen ciyaartoyda Galmudug ka qabtay.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Duqa Muqdisho uu caawa ciyaartoyda kala qaybgalay xaflad dhiirigelin loogu sameynayay, haddii ay tartankan adag ku guuleysteen.

“Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa caawa kala qaybgalay xaflad farxadeed oo dhiirigelin loogu muujinayay guuleyste-yaasha Gobolka Banaadir, kuwaasoo ku guuleestay  Tartanka Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Ciyaartan ayaa noqotay middii loogu daawashada badnaa labaatankii sano ee dib u yegleelidda Dowladnimada Somaliya, iyadoo kumanaan taageere-yaal labada dhinac ah ay buuxiyeen Garoonka Injineer Yariisow, halka boqolaal kun oo kalana ay shaashadaha kala socdeen ciyaartaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ciyaarta ka daawanayay telefishinada ayaa kooxda Gobolka Banaadir ugu hambalyeeyay guusha ay gaareen.

Madaxweynaha oo samir siinayay kooxda Galmudug ayaa iyana ku boggaadiyay ciyaarta quruxda badan, ee ay soo bandhigeen, waxaana uu xusuusiyay, haddii aanay sanadkan guuleysan in kan xigga ay guuleysan doonaan.

 

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com